Waa may sababta aan u samaynayno baadhitaankan? 

Back

 

Waxaad ogaan doontaa inuu iskuulka ilmahaagu qayb yahay United Learning Trust oo koox iskuulo badan ah kuna baahsan dhamaan dalkan Ingiriiska. 

Ujeeddada ugu weyn ee xogururintan ayaa ah in la ogaado dareenka waalidka ee iskuulada ilmahooda iyo dareenka dhanka waxbarashada, iyo in la soo uruuriyo macluumaad gaar ah oo ku saabsan: 

Sida waalidiinta ay u arkaan iskuulka ilmahooda, marka loo eego dhinaca adeegga ay bixiyaan iskuuladu; 

Tayada xidhiidhka isgaadhsiineed iyo tan wadashaqaynta. 

Sida waalidku uga caawiyo ilmahooda dhanka tacliinta xilliga guryaha joogaan, iyo sida ugu haboon ee iskuulku u caawin karo in waalidku door firfircoon ka qaataan la shaqaynta iskuulka ilmahooda.  

Xogururintan waxaa qaadaysa annaga oo wakiil ka ah shirkad la yiraahdo Edurio oo ah shirkad baadhitaan ku samaysa dhanka waxbarashada  kana diiwaangashan Midowga Yurub. 

 

Sharciga ku saabsan jawaabaha aad bixiso 

Khasab maaha inaad ka qaybqaadato su`aalaha, laakiin haddii aad ka qaybqaadato waxaan u isticmaali doonaa jawaabahaaga sida hoos ku xusan. Waxaan suaalahaaga u isticmaali doonaa si sharci ah oo dantu ugu jirto United Learning Trust. 

 

Sidee u isticmaali doonaa jawaabahaaga? 

Waxaan falanqeyn doonnaa jawaabaha aan helno iyada oo ay weheliso macluumaadka aan hore uga hayno ilmahaaga sida dadaalka, astaamaha ardayga iyo macluumaadka kale ee aan ilmahaaga ka hayno si loo gaaro yoolalka kor ku xusan. 

 

Yaa xaquuq u helo inay arkaan ama isticmaalaan jawaabaha aad bixiso? 

Jawaabahaaga waxaa falanqayn doona shirkadda Edurio si ay u siiso hogaamiyaasha iskuulada iyo shaqaalaha horumarinta iskuulada natiijada ka soo baxda sahamintan iyadoon qofna la magacaabin. Tani waxay ka dhigan tahay in iskuulka ilmahaagu aanu awoodi karin inuu aqoonsado jawaabaha aad bixiso ilaa aad adigu jawaabaha ku darto wax lagugu aqaoonsado. Jawaabaha aad bixisid sidoo kale waxaa falanqayn doona koox yar oo ka tirsan xafiiska dhexe ee ULT. Wixii warbixin ah ee ay soo saaraan iyaga oo adeegsanaya jawaabahaaga laguma aqoonsan doono adiga iyo ilmahaaga midnaba. Dhamaan shaqaalaha xogururinta ULT iyo Edurio labadaba waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan jawaabaha si qarsoodi ah.  

Fadlan la soco, haddii aad jawaabahaaga ku bixiso luqad aan ahayn Ingiriisiga waxaan sidoo kale u baahan doonnaa inaan la wadaagno turjubaan. 

 

Waqti intee le`eg ayaan hayn karnaa macluumaadkaaga? 

Waxaan hayn doonaa macluumaadkaaga khaaska muddo 10 sano ah, ka dib marka macluumaadkaaga shakhsiga ah la tirtiro waxaan sii hayn doonaa macluumaad caam ah oo isku duuban si aan u barbardhigi karno natiijooyin kastoo mustaqbalka ah. 

 

Sideed u awoodi kartaa inaad heshid ama la socotid macluumaadka aad bixisay?  

Waxaad xaq u leedahay inaad codsato nuqul ama koobiga macluumaadka shakhsiyeed ee ay ULT kaa hayso adiga Fadlan la xidhiidh E-mailkan: company.secretary@unitedlearning.org.uk. haddii aad doonayso inaad ogaato xuquuqdaada.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqdaada dhamaystiran waxaa laga heli karaa nuqul ama koobi ka mid ah bogga internetka ee iskuulka ilmahaaga adigoo riixaya bogga ah Parent/Carer Privacy Notice. 

Back